Nabaddoon Cabdiqani Waloore, oo kamid ahaa waxgaradka gobalka Mudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Nabaddoon Waloore ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay salaada makhrib oo ku tukaday Masjidka Macmuur, oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo. Dilkiisa ayaana la sheegay inay fuliyeen dabley hubeysan oo aan la garaneyn heybtooda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amniga Puntland oo ku aadan dilka Nabaddoon Cabdiqani Waloore. Waxaana uu dilka Nabaddoonku kusoo aadayaa xilli Gaalkacyo ay muddo ku naaloonaysay amni iyo xasilooni, kadib markii ay Ciidanka Amniga iyo Sirdoonka Puntland oo is kaashanaya ay burburiyeen shabakaddo 14 sano dilal iyo qaraxyo ka geysanayay magaalada, kuwaas oo maxkamadeeyay, sidoo kalena lagu fuliyay dil toogasho ah.
BOSASO ONLINEÂ