Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa safar degdeg ah ku tagaya dalka Imaaraatka Carabta, isagoo casuumaad ka helay hoggaanka Dubai.
Socdaalka MW Deni ayaa daaran dhowr qodob. Wararka ayaa sheegaya in Deni uu taageero dhaqaale ka raba Imaaraatka, xilli uu isku diyaarinayo duullaan culus oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee jooga buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag.
Dhanka kale, Imaaraatka ayaa doonaya in ay kala hadlaan Deni – xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Dubai ay doonayso in dib loo soo celiyay xiriirka Deni iyo Axmed Madoobe, ayna suuragal tahay in ay kulan siiso haddii Siciid Deni aqbalo.
BOSASO ONLINE