Golaha Wasiirada Puntland oo maanta yeeshay kulankooda khamiislaha ah ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo dhan $466,840,762.
Miisaaniyadda DPL ee 2025 ayaa korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.
Sida ku xusan ajandaha Kalfadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland, Miisaaniyadda Dowladda ee 2025 ayaa la horgeyn doonaa dabayaaqada bishan November, iyadoo xildhibaanadu dadaal gelinayaan in Miisaaniyadda cusub lagu muujiyo koror lagu sameeyo mushaarka xildhibaanada oo hadda ah 2500 oo dollar, balse ay doonayaan in la gaarsiiyo 4000 ilaa 5000 Kun oo dollar.
BOSASO ONLINEÂ