Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in wada-hadal khadka Taleefoonka ah uu la yeeshay dhiggiisa Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Wasiir Maxamed Kaahin oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay kulan ka dhacay Hargeysa, ayaa xusay inay ka wada-hadleen dagaalladii ka dhacay degmadda Boocame ee gobalka Sool, kaas oo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo kasoo kala jeeda goballada Nugaal iyo Sool.
Waxaa uu sheegay in siyaasadda Somaliland ay qeyb ka tahay in nabadda ay kala hadlaan cid walba, xitaa Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Somaliland ay la socota tirada iyo dhaqdhaqaaqa Ciidanka Puntland geysay magaalada Buuhoodle, kuwaas kamid ah Daraawiisha Puntland.
“Tirada inta ay tahay waan heynaa, Somaliland waxa ay ka taxadareysaa in farsamooyinka mas’uuliyad darada ah ee siyaasadda weyn ee macnaha lehna ku saleysnayn, in inta ay naga dhex dhacdo oo dagaal sababto dadka shacabka ah iyo inaga na saameyso.”
Puntland ayaa dhowaan geysay magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn boqolaal kamid ah Ciidanka Daraawiishta, kuwaas oo ay sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Buuhoodle iyo adkeynta xuduudaha.
BOSASO ONLINE