Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen ururka Al-Shabaab.
Taliska ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya darteed ay qaadeen duqayn is-difaacid wadareed ah oo ka dhan ah al-Shabaab bishan Maarso 10-keedii.
AFRICOM waxay sheegtay in duqqayntaas ay ka dhacday nawaaxiga Ugunji oo 71 km Koonfur Galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho.
AFRICOM waxay sheegtay in qiimaynta hordhaca ah ay muujinayso in duqyantan lagu dilay saddex ka tirsan al-Shabaab, islamarkaana dad rayid ah aysan waxba ku noqonin.
BOSASO ONLINE