Mareykanka oo dib ugu dhisaya Puntland ‘Ciidamo uu taageero’

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay wafti sare oo ka socda Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM), oo uu hoggaaminayo Taliyaha Hawlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso, oo bilihii lasoo dhaafay saldhig u ahayd howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee ka socda buuraleyda Bari ee Puntland.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyada Puntland – kulanka oo qaatay saacado badan ayaa looga hadlay howlgalka la-dagaallanka argagixisada Daacish iyo doorka Mareykanka oo uu ka mahadceliyay Siciid Deni.

“Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Mareykanka ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada Puntland ee ku guda jira howlgalka ciribtirka argagixisada, waxaana diyaaradaha dagaalka ee Washington ay duqeymo ka geysteen buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo lagu dilay xubno sare iyo maleeshiyaad katirsan Daacish, sidoo kalena lagu burburiyay Talisyo muhiim u ahaa joogitaanka Daacish ee buuraleyda Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa intaa ku dartay “Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Dowladda Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac”.

Booqashada ayaa xoojinaysa doorka Mareykanka ee dagaalka argagixisada ku sugan Puntland, waxaana soo baxay bilihii u dambeeyay in Mareykanku dib u bilaabi doono taageerada Amni ee sidda joogtada ah uu u siin jiray maamulka Puntland, taas oo isugu jirtay tababarka, hubeynta, iyo saanad iyo mushaar siinta boqolaal askari oo katirsan ciidamada Amniga Puntland, taas oo uu joojiyay 5 sano ee u dambeysay.

Joojinta taageerada Mareykanka ayaa timid kaddib markii ismaan dhaaf soo dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo hoggaanka Hay’adda ciidamada Amniga Puntland PSF oo uu taageeri jiray Mareykanku – uu sababay dagaal ka dhacay Boosaaso, kaas oo galaaftay nolasha in kabadan boqol ruux. Iyadoo Deni uu laalay jiritaanka sharci ee PSF.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS