Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socdaalaya dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ErdoÄŸan ayaa ka wada-hadli doona Iskaashiga labada wadan, gaar ahaan Amniga iyo Ganacsiga. Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadan doonta maalmo kooban.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa wada diyaarinta waftiga Madaxweynaha, oo ka koobnaan doona Wasiiro, Taliyayaasha Ciidanka, sida Sirdoonka, La-taliyayaal iyo ganacsato.

Waa socdaalkii labaad ee dalka dibeddiisa uu ugu baxayo Madaxweynaha cusub ee DFS, tan iyo markii la doortay 15-May. Xasan Sheekh ayaa jimcihii hore kasoo laabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay booqasho 5 maalmood ah, waxaana intii uu ku sugnaa laga helay cudurka COVID-19.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS