Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga helay COVID-19

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.

War kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kaddib booqasho maalmo qaadatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ay aad u wanaagsan tahay.

“Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.”

Villa Soomaaliya ayaa intaas ku dartay “Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.”

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS