Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha DFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaarsiiyay Suldaanka dawladda Cumaan ‘Suldaan Haytham Bin Dhaariq dhambaal uu ka sidday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhambaalka oo uu guddoomay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Saldanada Cumaan, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Sayyid Shahib Bin Tariq Al Said, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
“Dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Federaal, Mudane Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha ayaan maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq. Waxaa dhanbaalka iga gudoomay Sayyid Shihab bin Tariq Al Said, oo Raysalwasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhiga.”
Sidoo kale, Warsame ayaa xusay inuu kala hadlay Sayyid Shahib xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya, iyo siddii dawladda Cumaan ay gacan uga geysan laheyd.
“Waxaan uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.”
BOSASO ONLINEÂ