Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xalinta khilaaf cusub oo dhowaan soo kala dhexgalay, kaas oo salka ku haya magacaabista Saraakiil Amni iyo safiiro cusub oo horey uu u dalbaday Madaxweyne Siciid Deni in la siiyo shaqsiyaad ka agdhow.

Sidoo kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaadan doono xubno katirsan Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho, kuwaas oo uu kala hadlayo taageerada Dimuquraadiyadda Puntland.

Hoggaamiyaha Puntland ayaa faray saacadihii lasoo dhaafay xubnah Golaha Wasiirada Puntland inay hakiyaan wada shaqeynta dhigooda heer Federaal, waxaana caasimadda Puntland loo diiday inay timaado Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Khadiija Al Makhzuumi iyo Wafti ay hoggaaminayso.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS