Madaxweyne Biixi oo hambalyo u diray Shacabka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1443-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbi weynaha in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS