Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa lagu wadaa in isniinta berri ah uu dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib guul-darradii kasoo gaartay doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Siciid Deni oo 19kii April, ka dhoofay Garoowe ayaa ka qeybgalay tartanka doorashadii Madaxweynaha DFS ee ka dhacday Muqdisho 15kii bishan May, isagoo wareegii kowaad ee doorashada noqday musharraxa ugu codadka badan (65 -cod), waxaase uu ku haray wareegii labaad oo uu noqday qofka saddexaad, helayna 68-cod.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad kahor ka socdaalay Muqdisho, isagoo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo la sheegay in uu u tagay arrimo gaar ah, sida baaris caafimaad iyo nasniino.
Qabanqaabadda soo dhaweynta Madaxweyne Deni ee berri, ayaa ka socota caasimadda Garoowe. Soo laabashadiisa ayaana kusoo aadaysa xilli khilaaf adag uu kala dhexeeyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo intii uu ku maqnaa Muqdisho sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis, kuwaas oo uu qaadacay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
BOSASO ONLINE