Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Hassan Shire Abgaal ayaa maanta ku qaabilay xafiiska Madaxa Hay’adda WFP ee Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay siddii Wasaaradda Maaliyadda Puntland u fududeyn lahayd wada shaqaynta Hay’adda ee dhanka canshuur dhaafka, si gargaar loo gaarsiiyo bulshada u baahan, sida uu sheegay Madaxa Barnaamijyadda ee waaxda Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Ayuub Hudeyfi,
Mudane Ayuub Hudeyfi ayaa xusay in Wasiirka Maaliyadda Puntland uu ku boggaadiyay Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP sida wanaagsan ay uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, uuna ballanqaaday in Wasaaaradda maaliyaddu ay fududeynayso wax kasta oo kaga aadan arrimahaas.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasiame kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir.
BOSASO ONLINEÂ