M/weyne Deni oo ku wajahan Boosaaso, kuna dhawaaqaya dagaal

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa saaka ku wajahan goballada Bari ee Puntland, isagoo socdaalkiisu daaran yahay la-dagaallanka argagixisada.

MW Deni ayaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso kaga dhawaaqi doona duullaan culus oo lagu qaadayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag, iyadoo si gaar ah loo beegsan doono aagaga ay joogto kooxda Daacish oo sanadihii lasoo dhaafay ku xoogeysanaysay dhulka buuraleyda ah ee gobalka Bari.

Cutubyo kamid ah ciidamada Puntland ayaa loo daabulayay todobaadyadii lasoo dhaafay gobalka Bari, iyadoo kulamo ka dhacay Gaalkacyo iyo Garoowe uu M/weyne Deni ku muujiyay heerka ay gaarsiisan tahay halista argagixisada, oo si joogta ah falal amni darro uga geysanaysa Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS