Xiisada siyaasadeed ee dalka Libya ayaa mareysa meel sare, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda midnimo Qaran ee Libya, Abdul Hamid al-Dbeibeh uu ka horyimid go’aan kasoo baxay Baarlamaanka Libya, kaas oo ay kaga dalbadeen inuu xilka wareejiyo.
Abdul Hamid al-Dbeibeh ayaa ku eedeeyay Baarlamaanka Libya iyo Golaha sare ee dawladda inay hurinayaan colaad iyo dagaal sokeeye, isagoo ugu baaqay ansixinta dastuurka cusub ee dalka si loo dhiso dawlad cusub.
“Suurtagal ma ah in xalka Libya loo maro wado aan aheyn doorashada” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Al-Dbeibeh oo diiday inuu wareejiyo xilka.
“Waxaa loo baahan yahay in la qabto doorasho, si shacabka Libya u doortaan cidda hoggaaminaysa marxalada soo socota, iyadoo laga fogaanayo dagaal iyo burbur” ayuu si adag u yiri Abdul Hamid al-Dbeibeh.
Doorashada dalka Libya ayaa weli qabsoomi la’ kadib markii axsaabta siyaasadeed ee dalkaas, kuwaas oo isku khilaafsan arrimaha gundhiga u noqonaya Dastuurka, xeerarka doorashada iyo awooddaha uu yeelanayo Madaxweynaha la doorto.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda midnimo Qaran ee Libya ayaa xusay in dawladdiisu ay bixisay dhaqaalaha doorashada lagu qabanayo, isagoona ku eedeeyay dhinacyada ay is-hayaan inay doonayaan in dalku uu kusii jiro qalaalase, iyo Kumeel-gaar.
BOSASO ONLINEÂ