israel oo weerar cirka ku qaaday syria

Suuriya ayaa sheegtay in Israa’iil ay weerar cirka ah ku qaadday bartilmaameedyo ku yaalla deegaanka Dimishiq
Duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaaday goobo ku yaalla agagaarka caasimadda Dimishiq ayaa daba socday weerarro gantaallo ah oo dhacay Jimcihii iyo Isniintii, sida ay sheegtay Suuriya.
Milateriga Suuriya ayaa sheegay in gantaallada Israa’iil ay aroornimadii hore ee Khamiista ku dhufteen goobo u dhow Dimishiq, difaaca cirkana ay “la kulmeen gardarrada gantaallada oo ay soo rideen intooda badan”. Ma jiro wax khasaare ah oo la soo sheegay.
dhulalka falastiiniyiinta oo lagu bartilmaameedsaday goobo dhowr ah oo ku yaala agagaarka Dimishiq,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca Suuriya.

Weerarku wuxuu daba socdaa weerarro cirka oo la mid ah Jimcihii iyo weerar cirka ah oo naadir ah oo maalinle ah Isniintii kaasoo lagu dhaawacay askari, sida ay sheegeen ciidamada Suuriya.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 17-kii Sebtembar, markaasoo wasaaradda difaaca ee Suuriya ay sheegtay in gantaallo lagu weeraray garoonka caalamiga ah ee Dimishiq iyo saldhigyada milatari ee ku dhow ee koonfurta caasimadda lagu dilay shan askari.
Israa’iil oo aan ka hadlin weerarradan oo kale, ayaa sannadihii u dambeeyay boqolaal weerar ah ku qaadday bartilmaameedyo ku yaalla qaybaha ay dowladdu ka taliso ee Suuriya, balse waa dhif in ay qirtaan ama ka hadlaan howlgalladaas.
Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in ay bartilmaameedsatay saldhigyada dagaalyahannada xulafada la ah Iran ee ku sugan kooxaha Suuriya. Tehran ayaa kumanaan dagaalyahan u dirtay si ay u taageeraan ciidamada Bashar al-Assad ee Suuriya.

 

 

 

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS