Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtidii wacad ku maray in ay jawaab ciqaabeed ka bixin doonaan weerarkii Israa’iil ay todobaadki hore ku qaadday Iran, xilli ay wali sii socdaan duqeymaha ay ciidanka Isra’il ka wadaan Gaza iyo Lubnaan.
Khamenei ayaa sheegay in dowladaha cadawga ku ah oo uu ku sheegay Isra’il iyo Mareykanka ay la kulmi doonaan jawaab kulul, oo ay uga falcelinayaan weerarada ay ku hayaan Iran sida uu hadalka u dhigay.
Weerar kale oo ay Iran ku qaaddo Isra’il ayaa laga yaabaa inuu mandiqadda ku riixo dagaal weyn, xilli ay hadda Lubnan, iyo Gaza ay dagaallo ku dhexmarayaan Isra’il, Xisbullah iyo Xamaas.
Dhanka kale, ugu yaraan 11 Isra’iliyiin ah ayaa ku dhintay madaafiic laga soo ganay Lubnan oo ku dhacay degmada Tira ee bartamaha Isra’il. Ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ay hawada ku qarxiyeen qaar badan oo ka mid ah madaafiicdaasi.
Xisbullah ayaa Sabtidi sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn u adeegsatay weerar ay ku qaaddo bartilmaameedyo ay millatariga iyo sirdoonka Isra’il ku leeyihiin waqooyiga iyo bartamaha Isra’il.
VOA
BOSASO ONLINE