Heshiiskii Ruushka iyo Ukraine ee Istanbul oo ku dhow burbur

Qaraxyo isxigxigay ayaa ruxay magaalada koonfureed ee Odesa ee dalka Ukraine Sabtidii maanta, kuwaas oo ku dhacay mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan dalka wax ka yar 24 saacadood ka dib, markii la saxeexay heshiis lagu sugayo in malaayiin tan oo qamadiga ah ay maraan waddooyinka badda madow.

Weerarradan ayaa halis ugu jira inay wiiqaan heshiiska lagu fududeynayo raridda hadhuudhka Ukriane, oo ay dhexdhexaadinayaan Qaramada Midoobay iyo Turkiga, ka hor inta aan heshiiska xitaa la dhaqan gelin.

Heshiiska ayaa loo arkay mid muhiim u ah kor u qaadista saadka caalamiga ah kadib markii hoos u dhac weyn uu ku yimid Dhoofinta badarka Ukraine ay sare u qaaday cabsida cunno yari ee ka jirta wadamada saboolka ah.

Bayaan kasoo baxay Milateriga Ukraine ayaa lagu sheegay in gantaalada Ruushka labo kamid ah ay ku dhaceen saldhig milateri, halka labo kalena ay ku dhaceen Dekedda magaalada Odesa.

Oleg Nikolenko, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in weeraradii dhacay, uu madaxweyne Vladimir V. Putin-ka Ruushka “uu ku xumeynayay” xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo dadaal ku bixiyay si loo gaaro heshiiskan.”

Source: New York Times

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS