Muqdisho (Bosaso Online) Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa beenisay eedeeymo ay u jeedisay Puntland, kuwaas oo la xiriiray in deegaano katirsan gobalka Mudug ee Puntland la hoos geeyay maamulka Galmudug.
Hay’addu waday sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno katirsan Dowlad Gobaleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug, iyo I’m eedaymaha noocaan ahi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna marin-habaabinayo bulshada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda NIRA.
Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay Hay’adda NIRA in ay ku xad-gudubtay deegaanno katirsan Puntland, iyagoo sheegay in tallaabadan ay uga gol-leedahay DFS ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud isku dhaca labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ee dariska ah.
NIRA ayaa sheegtay in ay u hoggaansan tahay xuduudaha dastuuriga ah iyo nidaamka Federaalka ah ee dalka, iyadoo si hufan bulshada loo gaarsiinayo kaarka aqoonsiga Qaranka.

BOSASO ONLINE