Guddoomiyihii gobalka Mudug oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Guddoomiyihii gobalka Mudug Marxuun Axmed Muuse Nuur ayaa lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo maanta la gula eegtay irida hore ee xarunta gobalka.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa dhacay Guddoomiyuhu kasoo baxay xarunta gobalka. Waxaana sidoo kale, la dhintay ilaaladiisa iyo shacab ku sugnaa aagga guriga gobalka.

Xilliga Qaraxu dhacayay ayaa loo madlanaa shir looga hadlayay amniga gobalka Mudug, kaas oo ay yeelan lahaayeen maamulka gobalka oo hoggaaminayay Allaha u naxariistee Guddoomiye Axmed Muuse, maamulka degmada Gaalkacyo iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka arrimaha Gudaha DPL, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdulaahi Cabdisalaan Xassan oo arrimo shaqo u joogay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo.

Sawir – Guddoomiye Axmed Muuse Nuur

Kooxda Al-Shabaaba ayaa sheegatay masuuliyadda dilka Guddoomiye Axmed. Waxaana ay sheegtay in uu ka shaqeynayay arrimo ka dhan ah.

Dilka Guddoomiyihii gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa imaanaya xilli bilo kahor lagu dilay qarax ka dhacay Garoowe, Guddoomiyihii gobalka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir).

 

 

Al-Shabaab ayaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dilal iyo qaraxyo ka geysanaysay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu beegsaday masuuliyiin, saraakiil ciidan iyo qaar kamid ah haldoorkii gobalka Mudug. Dilka Guddoomiyihii gobalka ayaa kusoo aadaya xilli sanad kahor uu isbedel ku yimid hoggaanka Puntland. MW Deni ayaa ballanqaaday in si dhab ah uu wax uga qaban doono xaalada gobalka Mudug.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS