Wafti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur iyo xubno kamid ah golayaasha dowladda.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in maalmaha ay joogaan Muqdisho Guddoomiye Dileita iyo waftigiisa ay wada qaadan doonaan kulamo ku saabsan dardargelinta iskaashiga baarlamaanadda labada wadan [Soomaaliya iyo Jabuuti].
Dileita Mohamed Dileita, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu xusay inuu joogo dalkiisa labaad.
“Meel ajnabi maynan imaan, dalkeenii labaad baan imaanay” – Dileita ayaa intaa ku daray in uu yahay Soomaali iyo Jabuutiyaan, sidaas darteedna uusan dareemayn in dhul shisheeye uu yimid.
DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa wada shaqeyn dhow la leh dalka yar ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay in Ismaaciil Cumar Geelle, hoggaamiyaha muddada dheer ee dalkaas haysa uu yahay mus dambeedka aragtyaha siyaasadeed ee MW Xassan.
BOSASO ONLINE