Goormee billaabanayaa mashruuca dayactirka iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso ?

Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in muddo bil gudaheed lagu bilaabi doono dayactirka iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso.

Wareysi uu siiyay Puntland TV, ayuu ku sheegay Wasiir Axmed Saalax in mashruuca ballaarinta Dekedda laga wareejiyay shirkadda P&O oo qeyb ka ah Shirkadda DP World, taas oo sannadkii 2017kii la wareegtay Dekedda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in hadda laga wareejiyay P&O gacan ku heynta mashruuca dekedda, ayna si rasmi ah ula wareegtay shirkadda DP World, kaddib kulan ku dhexmaray magaalada Dubai madaxda shirkadda iyo wafti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

April, 2017kii, Xukuumaddii Puntland ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo shirkadda P&O oo qeyb ka ah DP World, ayaa ku kala saxiixday Dubai heshiis soconaya 30 sano, kaas oo dhigayay in horumarinta iyo maalgelinta dekedda Boosaaso.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan $336 million, ayaa lagu go’aamiyay in dhismaha dekadda lagu dhamays tiro mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, laguna kordhiyo dekedda illaa 450 Mitir oo ballac ah, lana dayactiro qeybta hadda shaqeysa. balse heshiiskan ayaa fashilmay.

Wasiirka Dekeddaha Puntland ayaa tilmaamay in dilkii madaxii P&O ee Dekedda Boosaaso Paul Anthony Formosa, uu ahaa caqabad si weyn u saameysay heshiiska ballaarinta Dekedda, balse hadda la dhameeyay arrimahaas. Waxaana uu intaas ku in dadka degan dhulka Dekeddu ay leedahay laga saari doono dhowaan, si howsha ballaarintu ay si wanaagsan ugu hirgasho.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS