Golaha Wasiirada XFS oo helay codka kalsoonida ah ee Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadirtay 237 Xildhibaan, waxaana ogallaaaday Golaha Wasiirada cusub 229 Xildhibaan, halka 7 Mudane ay diideen, 1 Xildhibaan ayaana ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur.

Waxaa xusid mudan in inta aan la guda galin codeynta kalsooni siinta Xukuumadda cusub, ay Golaha Shacabka hareeyeen buuq iyo sawaxan ay sameynayeen Xildhibaano.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS