Golaha Shacabka oo codka kalsoonida ah berri u qaaday Ra’iisul Wasaare Xamze

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maalinta berri ah ee kulan ku yeelanaya xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa, kaas oo codka kalsoonida ah loogu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamze Cabdi Barre.

War kasoo baxay Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan 9:00 subaxnimo sabtida berri ah, si codka kalsoonida ah ugu qaadaan Ra’iisul Wasaaraha cusub.

“Beri oo  Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha  magacaaban. Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa. Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamze Cabdi Barre, ayaa lagu waday in arbacadii la horgeeyo Golaha Shacabka BJFS, balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo dalka ka maqnaa ayaa sababtay inuu baaqdo kulanka Golaha.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS