Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo arbaco ah kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya.
Kulanka oo bilaaban doona abaaro 5:00 galabnimo ayaa warbixin ka jeedin doona xubno uu kamid yahay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.
Danjire Swan ayaa la filayaa in warbixintiisa uu diirada ku saaro arrimaha Amniga iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya.
Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli ay dalka ka jirto abaar, taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan oo qof, sida ay sheegtay DFS. Sidoo kale, kulanka ayaa imaanaya iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada arxan-darada ah ee ay ku beegsanayso shacabka Soomaaliyeed.
BOSASO ONLINEÂ