Gaalkacyo: Al-Shabaab oo weerartay hoyga Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland

Gaalkacyo (Bosaso Online) – Rag hubeysan oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa weeraray xalay hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka degan yahay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan.

Weerarka ayaa ahaa bumbo gacmeed lagu tuuray hoyga Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan, waxaana ku dhaawacmay Wiil arday ah oo kunoolaa hoyga Wasiirka, kana mid ahaa qoyskiisa.

Wasiir hore Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa inoo xaqiijiyay in uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo, balse uu ka maqnaa hoygiisa xilliga uu weerarku dhacayay.

“Qoyska oo kali ah ayaa guriga ku sugnaa marka la weerarayay, waxayna ku tureen bumbo-gacmeed, wiil dhallinyaro ah oo qoyskeyga ah ayaa dhaawac kasoo gaaray, isagana xaaladiisu hadda waa wanaagsan tahay” ayuu yiri Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland, waxaana uu intaa ku daray in weerarka lagu qaaday hoygiisa uu kamid yahay ficilada argagixisadu ku doonayso inay ku cabsi galiyaan masuuliyiinta iyo dadka haldoorka ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo shaqeeyay.

Sacad kaddib weerarka, Maamulka gobalka Mudug iyo saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland ayaa tagay hoyga Wasiir kuxigeenka hore ee Amniga, iyagoo cambaareeyay weerarka bahalnimada ah ee argagixisadu ku qaaday hoyga Wasiir, oo ay ku sugnaayeen dad maato ah, oo carruur iyo waayeel ah.

Wasiir hore Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa door weyn ku lahaa howlgalkii la-dagaallanka argagixisada Al-Shabaab ee ka dhacay Gaalkacyo, kaas oo sababay in gacanta lagu dhigo shabakado argagixiso oo katirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro dilal iyo qaraxyo ah ka geysan jiray Gaalkacyo in kabadan 12 sano.

Puntland ayaa maxkamadeysay, kuna toogatay fagaare 18 xubnood oo qeyb kaa haa shabakaddaha Al-Shabaab ee ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo. Weerarka hoyga Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland ayaa loo arka in uu qeyb ka yahay qorshayaasha ay kooxda Al-Shabaab doonayso in ay uga aargoosato masuuliyiintii ku lug lahaa fashilinta unugyadii argagixiso ee uga howlgali jiray Gaalkacyo.

Puntland oo walaac ka muujisay in firxadka Al-Shabaab soo galaan Gaalkacyo

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS