Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, kaas oo uu galabta magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Maxamed Farmaajo ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisal Wasaare Xamze Cabdi Barre, si uu u soo dhiso Xukuumad sii ambaqaada hormarka dalka.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”
“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday.”
BOSASO ONLINEÂ