Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in marka ay siyaasiyiintu ku jiraan tartanka doorashada ay lamid yihiin qof waalan oo kale.
Wareysi uu siiyay BBC-da, ayuu ku sheegay Cabdiweli Gaas in xilliga lagu jiro loollanka siyaasadeed ay adag tahay inaad qaadato talooyinka qaarkood ee wax ku oolka kuu ah, ee laguu soo jeediyo. Waxaana uu xusay in markii uu ku guuldareystay labada jeer doorashooyinkii Madaxweynaha Soomaaliya 2012kii iyo Madaxweynaha Puntland 2019kii, uu u soo laabtay miyirku.
“Horta been kuu sheegi maayo, runtii waa iga dhab labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid.”
“Nasteexada ugu fiican haddii lagu siiyo xitaa ma qaadanaysid, taadaa ayaa kuu cad, dadku iyaga oo u jeeda inaysan guulaysanayn, xitaa mararka qaarkood adiga oo markaad xisaabtanto ujeeda in aad guul daraysanayso, ayaad kusii adkaysaneynaa, marka siyaasaddu waa khamaar.”
Sidoo kale, Dr. Gaas ayaa sheegay in mar la barbar dhigo xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha ay uga dhib badneyn intii uu ahaa Madaxweynaha Puntland 2014 – 2019kii.
“Waxaan ahaa nin reerkiisa ku dhex jira, anigu waxaan idhaahadaa horta siyaasadda Soomaalidu waa dabdamis, mar kasta waxaad ku dhex jirtaa xaalad dab damis ah, labaduba sidaas ayey ahaayeen, balse aniga tii Ra’iisul wasaaraha ayaa ii shaqo fududeyd.”
BOSASO ONLINE