Dimuqraadiyadda curdanka ah ee Puntland caqabado badan wajahaysa (WARBIXIN)

Puntland oo kamid ah Dawlad-gobaleedyada Soomaaliya ayaa bilawday inay deegaankeeda ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, si ay hormuud ugu noqoto in hanaanka axsaabta badan uu ka hirgalo mustaqbalka dhow Soomaaliya.

Iyadoo la ambaqaadayo nidaamka Dimuqraadiyadda ayaa bishii October ee sannadkii 2021, laga qabtay doorashooyin dadweyne saddex kamid ah degmooyinka Puntland, taas shacabku ay kusoo doorteen Xildhibaanada ku matalaya Golayaasha deegaanka degmooyinkaas, oo kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Doorashada saddexda degmo ayaa waxaa ku loolamay Sagaal urur siyaasadeed, kuwaas oo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ay diiwaangeliyeen doorashada kahor. Saddex kamid ah Urur siyaasadeedyada ayaa xubno isku dhow dhow ka helay doorashada, waxaana kamid ah urur siyaasadeedka Xukuumadda Puntland oo lagu magacaabo KAAH, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Hanaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee curdanka ah ayaa hada wajahaya caqabado waa weyn, kaddib markii inta badan Ururrada siyaasadda ay shuruudo ku xireen inay qeyb ka ahaadaan dhameystirka Doorashada Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, taas oo sida uu shaaciyay Guddiga TPEC la qabanayo kahor bisha June ee sannadka cusub ee 2023.

Ururrada siyaasadda ayaa u soo jeediyay Xukuumadda deegaanka fulinta qodobo ay kamid yihiin dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, in la furo liistada xiran doorashooyinka xildhibaanada Golayaasha deegaanka, in la dhimo tirada xildhibaanada degmooyinka iyo in si siman guud ahaan deegaannada Puntland uga dhacdo doorashadu.

Ururrada ayaa dhanka kale u soo jeediyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland in ay dib u dhigaan diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka oo sida qorshuhu ahaa bilaaban laheyd 13kii bisha December, TPEC ayaa aqbalay soo jeedintan, waxaana ay isla go’aamiyeen Ururrada siyaasadda in la bilaabo diiwaangelinta 5 bisha January ee sannadka 2023.

Dawladda ayaa dhameystirtay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah 24 sano kaddib aasaaskii Puntland. Waa qodobka kali ah ee Xukuumaddu ka fulisay 13 qodob oo Ururrada siyaasaddu shuruud uga dhigeen ka qeybgalka dhameystirka doorashada dawladdaha hoose ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH ayaa sheegay in Dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed ay guul ka gaartay hanaanka axsaabta badan, iyo in dadka loo celiyo codkooda si ay ugu soo doortaan shaqsiyaadka ay ka rajeynayaan inay sameyn karaan matalaad dhab ah, waxna u qaban karaan.

Qaar kamid ah Ururrada siyaasadda ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadda Puntland inay kala jabisay Ururrada iyo inay uga gol-leedahay doorashada dadweynaha muddo kororsi loo sameeyo Madaxweynaha.

“Qorshuhu wuxuu ahaa inta u dhexeysa maalinta aan kulmayno iyo 5 January in lagu dhameystiro qodobadii aan soo gudbinay si ay doorashadu u noqoto xor iyo xalaal ah” ayuu inoo sheegay Daahir Xaaji Khaliif, oo ah Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Mideeye oo ah Ururka labaad oo xubnaha ugu badan ka helay doorashadii ka dhacday saddexda degmo ee qabsoomtay October, 2021.

Mucaaradka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aaminsan in aysan macquul aheyn in doorashada qof iyo codka ah lagu dhameystiro kahor 8 January, 2024, xilligaas oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweynaha, lana doonayo inay dhacdo doorashada Hoggaamiyaha cusub ee shanta sano ee xigta (2024 – 2029).

Isagoo ka hadlaya sida ay u doonayso qabashada doorashada dadweynaha Xukuumadda uu kamid yahay ayuu tilmaamay Wasiir Ilyaas Cusmaan “Ka go’naanshaha Dawladda ee Dilmuquraadiyadda waxaa tusaale u ah in Urur siyaasadeedka Xukuumadda uu waayay aqlabiyada Xildhibaanada Golaha deegaanka saddexda degmo ee laga qabtay doorashada dadweynaha iyo in looga guuleystay Guddoomiyayaasha degmooyinka Qardho iyo Ufeyn oo loo doortay labo Maayar oo ka kala socda Urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad oo ah mucaarad”.

Xeerka Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland ayaa qaba in saddexda Urur siyaasadeed ee Xildhibaanada ugu badan ka hela doorashada degmooyinka, ay si rasmi ah u noqonayaan saddexda xisbi siyaasadeed ee Puntland, iyagoo aqoonsi heysan doona toban sano.

Daahir Khaliif ayaa xusay in dawladdu ay u dadajinayso doorashada in la helo xisbiyo muddo kordhin u sameeya Madaxweynaha Puntland “Saddexda urur ee lasoo saaraa inay kordhinayaan muddo-xileedka Madaxweynaha yaan qabnaa, suurta-galna ma noqonayso.”

Puntland oo la aasaasay 1998-dii ayaa waxaa qorshuhu ahaa in saddexda sano ee u horeysa jiritaanka maamulka lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo dadweynuhu kusoo dooranayaan Xildhibaanada heer degmo iyo heer Puntland, maadama uusan axdigii lagu dhisay iyo dastuurka hada jira oo la ansixiyay 2012-kii aysan qabin in Madaxweynaha ay si toos ah shacabku u soo doortaan.

Guuleed Saalax Barre, oo soo noqday Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, balse iska casilay 2 January, ee 2022 kaddib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha oo uu ku eedeeyay faragelin Guddiga TPEC ayaa xusay in Hoggaamiyaha Puntland aysan daacad ka aheyn hirgelinta Barnaamijka Dilmuquraadiyadda, oo uu ka leeyahay dano siyaasadeed, sida inuu ka dhigto dariiq uu ku helo muddo kordhin iyo inuu sii joogo xafiiska.

“Dhab ahaantii ma jiro ka go’naansho Madaxweynaha ah oo la xariirta hirgelinta doorashada qof iyo cod ah, balse waxa jirta qorshe uu ku doonayo Siciid Deni inuu nidaamkan uga dhigto jaranjaro uu ku dheereysto xukunka” ayuu yiri Guuleed Saalax oo xafiiska isaga tagay kaddib qabsoomidii doorashada saddexda degmo oo dhacday 25 October, 2021.

Ismari waaga ka taagan habka loo wajahayo dhameystirka doorashada dadweynaha ee golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, ayaa u muuqda kuwo curyaaminaya kalsoonida lagu qabo hirgelinta nidaamkan, oo labo jeer oo hore lagu guuldareystay socod siintiisa.

Fashil ku yimaada nidaamkan ayaa horseedi kara in ay hoos u dhacdo kalsoonida dalalka deeq-bixiyayaasha ah, oo ah maalgaliyayaasha ugu weyn ee barnaamijkan, kuwaas oo ku deeqay inta badan miisaaniyadda loo adeegsanayo doorashada.

In la qabto doorasho dadweyne oo aan heshiis lagu aheyn ayaa sidoo kale abuuri karta isku dhacyo beeleed, maadama beelaha qaarkood ay sheegeen in aysan qeyb ka noqon doonin doorashada qof iyo codka ah.

Isku dhacyo qabaa’il oo ka dhashay doorashada ayaa sababi kara inay xoogeystaan kooxaha argagixisada ah, oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee goballada Bari iyo Sanaag ee Puntland, kuwaas oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysta marar qaar magaalooyinka waa weyn ee maamulka.

Somaliland oo sheegtay inay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ah deegaanka kali ah ee Soomaaliya oo hirgeliyay doodasho qof iyo cod ah. Ambaqaadka hanaankan ayaa la aaminsan yahay inay u suuragalisay hub ka dhigis lagu sameeyay qabaa’ilada, halka beelaha dega Puntland ay weli hubeysan yihiin, oo qaarkood leeyihiin maleeshiyaad u abaabulan hab ciidan, kuwaas oo heysta hub iyo gaadiid dagaal.

Daahir Mire Jibriil, oo kamid ah aasaasayaashii maamulka Puntland ayaa sheegay in dadka kunool deegaanka ay hada u muuqdaan in kala fogaadeen, taas oo ay sabab u tahay in aysan matalaad beeleed laheyn qaar kamid ah beelihii wax ka dhistay maamulka.

“Hadaan laga guurin meesha ay hada joogto Puntland, dadkeena si aynu midnimadooda isugu heyno way adkaaneysaa” ayuu yiri, isaga oo ka hadlayay burburka maamul ee ay horseedi karto in lagu guuldareysto hirgelinta doorashada qof iyo codka ah.

Puntland ayaa inta badan ah dhul xasiloon, marka laga soo tago deegaano dhaca dhulka buuraleyda ah, oo ay saldhigyo ku leeyihiin kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dagaalo goos-goos ah la gala Ciidamada Puntland oo in ka badan 10 sano howlgallo ka wada dhulkaas.

Abdirashid A. Warsame

cabdirashiidzaki20@gmail.com

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS