Boosaaso (Bosaso Online) – Sidda ay ogaatay BOSASO ONLINE, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya in uu u socdaalo dalka dibeddiisa, kaddib inkabadan 6 bilood ah oo uu ku sugnaa gobalka Bari, hoggaana uu u ahaa howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish oo wajigiisii saddexaad uu hadda gabagabo ku dhow yahay.
Siciid Deni ayaa la xaqiijiyay in dabayaaqada bishan tagi doono caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono xubno kale duwan oo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.
Kaddib, Deni ayaa u gudbi doono dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta oo uu yahay wadaygiisa ugu weyn ee Soomaaliya, halkaas oo uu ku mari doono baaris caafimaad, kuna geli doono kulamo siyaasadeed oo la xiriira marxalada kala-guurka ah ee Soomaaliya.
Imaaraatka ayaa si weyn u taageera doonista siyaasadeed ee Deni – waxaana uu door weyn oo dhaqaale ku lahaa loollankiisii kursiga Villa Somalia ee May 2022, iyo dib ugu soo laabashadiisii hoggaaminta Puntland ee January 2024.
Inta uusan amba-bixin, MW Deni ayaa la filayaa in uu sii daayo wareegtooyin uu ku magacaabayo Agaasimayaal guud, Agaasime kuxigeeno iyo xubno kale oo katirsan dowladdiisa, kuwaas oo hordhac u noqon doono isbedel maamul oo ku dhaca xukuumadda uu hoggaaminayo Deni oo hadda ku jira kal xukunkiisii labaad.
Xukuumadda Deni ayaa wajahaysa dhaleeceyn xooggan, iyadoo badi ay istaagtay shaqooyinkii wasaaraddaha, ayna wasiirada qaarkood xaadirin xafiisyadooda. Tan ayaa la aaminsan yahay in ay soo dadajinayso isbedel baaxad leh oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada Puntland.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kahor safarkiisa, ay suuragal tahay in Madaxweyne Deni uu dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe ‘khamiista, isagoo xariga ka jari doono mashaariic waa weyn oo laga hirgeliyay magaalada, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Buundada labaad ee Garoowe, oo isku xirta qeybo kamid ah caasimadda, sida isbitaalka iyo barxada iyo waddooyinka kale oo la hirgeliyay, kuna kacay Malaayiin dollar.
Siciid Deni ayaa hadda haysta taageerada shacabka Puntland, kaddib duullaankii hilaac ee ay ku qaadeen ciidamada Difaaca Puntland buuraleyda Calmiskaad ee gobalka Bari, kaas oo ay ka gaareen guulo waa weyn.
BOSASO ONLINE