Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ku casuumay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kulan qado ah oo berri oo axad uu ugu sameynayo Madaxtooyada Garoowe.
Kulanka ayaa imaanaya xilli Xildhibaanada Baarlamaanka ay Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhigga 50-aad ee Golaha ay ku dareen ka doodista “Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland” iyo la-xisaabtanka Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in berri ay kasoo qeybgalaan kulanka qado-sharafta ah ee uu u sameeyay Madadweyne Deni, kaas oo ah mid ay albaabadu u xiran yihiin. Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu kala hadlo Xildhibaanada xaalada Guud ee Puntland iyo qodobada kamidka ah Ajandaha Kalfadhigga 50-aad, ee saameynayo Madaxweynaha.
BOSASO ONLINEÂ