Deni oo kormeeray Xarumo Dowladeed oo la daalaa dhacay dhaqaale la,aan!

Garoowe (Bosaso Online) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha Dowladda ee ku yaalla Garoowe, kuwaas oo sannadkii lasoo dhaafay la kulmayay duruufo dhaqaale iyo khilaafaad ragaadiyay shaqooyinka Dowladda.

Siciid Deni ayaa kormeerkiisa ku tagay Bangiga Dowladda, Xarunta dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaraddaha Dowladda ee degan dhismaha dalxiiska, oo dhammaantood ku yaal gudaha magaalada Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa xog-wareystay shaqaalihii koobnaa ee soo xaadiray xarumaha uu booqday, maadama aysan jirin shaqooyin ka socda xarumaha dowladda.

Sidoo kale, Kormeerka Deni ayaa gaaray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, halkaas oo uu kulan qaatay saacado kula yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.

Kormeerka MW Deni ayaa imaanaya xilli Agaasimayaal, Agaasime Waaxeedyo iyo shaqaale badan ay isaga tageen shaqooyinka dowladda, sababo la xiriira khilaafaad loo waayay xal iyo dhaqaale la,aan, maadama aysan Dowladdu bixin mushaaraadka shaqaalaha 8 bilood oo kamid ah sannadkii dhammaaday ee 2025.

Sidda ay ogaatay Bosaso Online, MW Deni oo caro badan ka muuqato ayaa su’aalo ka weydiiyay shaqaalaha dowladda ee ku sugnaa xafiisyada uu kormeeray hab-sami u socodka shaqo ee ka jira xarumahooda, si gaar ah xarumaha laga maamulo dhaqaalaha ee uu booqday.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS