Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyay iibinta Buugaagta manhajka waxbarashada Puntland, kaas oo qiimihiisa dood badan ka abuurtay deegaanka.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu amray masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland in la joojiyo iibinta buuggaagtan ilaa inta laga saxayo, khaladaadka jira.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.”
“Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.”
BOSASO ONLINEÂ