Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in uu hoos u dhacay dakhliga Dowladda, ayna lumisay 15% odoraska Miisaaniyadda sannadka 2022, bilihii lasoo dhaafay.
Madaxweyne Siciid Deni oo khudbad u jeedinayay Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in hoos u dhaca dakhliga Dowladda ay sababeen xanuunka COVID-19, dagaalka Ukraine iyo Ruushka iyo xaalado ka jira gudaha Puntland, sida Abaaraha.
“Dunida waxaa soo wajahay duruufo dhaqaale oo ay sababeen xanuunka COVID-19, colaada Ukraine iyo Ruushka iyo kuwo inaga noo gaar ah, oo ay kamid yihiin abaaraha iyo ilaha dakhliga oo hoos u dhac ku yimid, waxaana ay taasi sababtay in kutalagalka miisaaniyadda 2022, uu ku yimaado is-dhin 15% ah bil kasta, una dhiganta ‘9,186,571’, intii u dhaxeysay bilihii January ilaa May.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in 19% uu kor u kacay qiimaha maciishada daruuriga ah ee Puntland, isagoo ka digay musiibo ka dhalata abaaraha ka jira Puntland.
Ugu dambeyn, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Wasaaradda Ganacsiga Puntland iyo ganacsatada deegaanka inay ka wada shaqeeyaan siddii loo dhimi lahaa inay gudaha Puntland ka baxo keydka raashinka, si looga baaqsado cuno yari soo food-saartay bulshada reer Puntland.
BOSASO ONLINEÂ