Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ‘lix kun oo askari’ oo cusub u dirtay dalalka Eritrea iyo Ugandha, si ay tababaro ciidan ugu soo qaataan dalalkaas, qeybna uga noqdaan ciidamada Xoogga dalka.
Wareysi uu siiyay VOA-da, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha DFS, Xuseen Sheekh Cali ayuu ku sheegay in ciidamada oo la qaaday ay qeyb ka yihiin ciidammo cusub oo dawladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud qorsheysay in ay u dirto dalal dhowr ah.
“Tababarka 15 kun ayaa waxaan rabnaa in sanadka 2023 gudaheed lagu soo dhameystiro, waxaa ugu horeysay saddexda kun ee Ugandha.” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo intaa ku daray in ay sidoo kale baxeen saddex kun oo askari oo loo qaaday dalka Eritrea.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha DFS, ayaa xusay in min saddex kun oo askari oo cusub loo qaadayo dalalka Itoobiya iyo Masar, kuwaas oo hada la diyaariyay qorshaha qaaditaankooda.
Mar wax laga weydiiyay kalsoonida ay mar kale ciidamada uga direen Eritrea ayuu tilmaamay “Ciidanka Milateriga ah ayaa qortay oo diray, tii hore ee qaabka laabka ah lagu diray si hufnaan ah ma aheyn, wax la qarinaayana ma aha.”
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli ay dawladda Soomaaliya dhowaan dalka dib ugu soo celisay inta badan ciidammo gaarayay 5 kun oo askari, kuwaas oo dawladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u qaaday dalka Eritrea
Xuseen Sheekh Cali ayaa intaa ku daray in marka ay tababarka kasoo laabtaan ciidamada cusub ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka soconaya Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii 2022 ka sheegay dalka Mareykanka in ciidamada Soomaaliya ay bisha ‘December 2024, kala wareegayaan amniga guud ee dalka, ciidamada howgalka midowga africa ee ATMIS, inta ka horeysana ay diyaarin doonaan ciidammo Soomaaliya oo tiro iyo tayo ahaan wanaagsan.
cabdirashiidzaki20@gmail.com
BOSASO ONLINE