Danjire Tarsan oo ka baxay shir u dhexeeyay Uhuru & safiirada jooga Kenya

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta ka baxay shir safiirada caalamka ee Kenya fadhiya uu ku casuumay Madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sida Diplomaasiyin ka tirsan Safaaradda ay sheegeen Danjire Tarsan ayaa shirka ka baxay kaddib markii uu kasoo qeybgalay qof la sheegay in uu yahay safiirka Somaliland u jooga Kenya, taas oo buuq badan dhalisay, isla markaasna keentay inuu shirka ka baxo.

Xariirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sannadihii lasoo dhaafay, ee uu dalka hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse wada-hadal dhowaan dhexmaray Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha cusub JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu heshiiyay in dib loo hagaajiyo xariir labada dal.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS