Daawo: Muxuu Madaxweyne Deni ka yiri dhoofinta dhirta ?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo markii ugu horeysay ka hadlay ka ganacsiga iyo dhoofinta dhirta ayaa sheegay in Dowladdu ay il gaar ah ku heyso kiiska, ayna gacanta ku hayaan Maxkamadaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay arbacadii Baarlamaanka Puntland ayaa uga mahadceliyay shacabka Puntland doorkooda ku aadan joojinta dhoofinta dhirta, isagoo xusay in dowladda ay ka go’an tahay wax ka qabashada xaalufka deegaanka.

“Dowladdu waxay isha ku heysaa kiiska dhoofinta dhirta oo meel fiican maraya, markii labaadna maxkamadda darajada kowaad ay dhageysatay bulshadana ay ka qaadatay doorkii kaga aadanaa, Dowladdana waxaa ka go’an la-dagaallanka xaalufka iyo ilaalinta deegaanka, iyo waxa hoostaga ee dhirta iyo duurjoogta ah.”

Deegaannada Puntland ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka taagan jahwareer la xariira dhoofinta dhirta, kaddib markii ay fashilmeen shabakaddo si hoose uga howlgalayay deegaanka, kuwaas oo shaqeyn jiray dhoofinta dhirta, gaar ahaan Geed-quwaaxa. Kiiskan ayaana lugaha la galay xubno sare oo kamid ah Dowladda.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS