Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada Gaalkacyo

Ciidanka Amniga Puntland ayaa howlgallo qorsheysan ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kuwaas oo lagu beegsanayo dad lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin falalka Ammaan-darro ee ka dhaca magaalada.

Howlgalladan ayaa yimid saacado kaddib markii habeen kahor lagu dilay magaalada, Nabaddoon Cabdiqani Waloore oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaan Gaalkacyo.

Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Mudug, G/Sare Muumin Cabdi Shire ayaa ku eedeeyay dilalka Al-Shabaab ay dib uga bilowday Gaalkacyo Isimmada dhaqanka gobalka Mudug, kuwaas oo uu sheegay inay hor istaageen, sidoo kalena difaac u noqdeen in la qabto ganacsato iyo dad kale oo waa weyn, oo qeyb ka ah falalka argagixisadu ka geysato magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa xaqiiqo ah oo aan ognahay cid Gaalkacyo ka baxsan falalkaan abaabulimeyso kumana jirto, qof koonfur ka yimina halkaan cid kuma dili karo, mana amri karo. Shaqadaan cidda wadda anagoo dhan waa ognahay, Hay’addaha amaankuna waa fahamsanyihiin”.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Gaalkacyo ka fulisay howlgallo ballaaran, oo lagu soo afjaray shabakaddo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo in ka badan 10 sano dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysanayay magaalada, waxaana la horkeenay Maxkamadda Ciidanka Puntland, taas oo ku riday xukun dil ah, oo 18 kamid ah xubnaha Al-Shabaab lagu fuliyay, in ka badan 10 xubnoodna ay sugayaan.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS