Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka gaarka ah ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayaa maalintii saddexaad ka soconaya deegaanno kamid ah gobalka Afdheer ee dowlad deegaanka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo Ciidanka Liyuu Boolisku ku lahaayeen xuduuda DDS ay la wadaagto gobalka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayna gudaha u galeen deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka culeyskiisu uu hadda ka soconayo deegaanno hoos-taga degmada Har-geelle. Saraakiisha Ciidanka Liyuu Booliska ayaa sheegay inay hareereeyeen Shabaabkii gudaha u soo galay deegaanka, ayna soo afjari doonaan howlgalka saacadaha soo socda.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC-da inay arkeen meydadka ilaa 60 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxamed Cumar ‘Cagjar’ ayaa gaaray deegaannada dagaaladu ka socdaan, waxaana uu kulamo la leeyahay saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka.
Waa weerarkii ugu ballaarnaa oo Al-Shabaab ay ku qaado saldhigyada Ciidanka Liyuu Booliska iyo gudaha deegaanka Soomaalida. khubarada Amniga ayaana qaba in weerarkan uu ahaa mid muddo dheer ay diyaarinaysay Al-Shabaab.
BOSASO ONLINE