Ciidamada Guutada 2aad ee Daraawiishta Puntland ayaa ka horyimid diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka qof iyo codka ah ee gobalka Nugaal, taas oo qorshuhu yahay inay bilaabato 7da bishan Feberaayo.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe, sarkaal sare oo katirsan ciidamada Daraawiishta oo fadhigoodu yahay duleedka caasimadda Puntland ayuu ku sheegay in aysan marnaba aqbali doonin diiwaangelinta hubeysan ee ay wado xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, Sarkaalka ayaa ka digay xasilooni daro iyo qalalaase ka dhasha diiwaangelinta iyo doorashooyin aan heshiis lagu aheyn, oo ka dhaca guud ahaan deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalo-madaxda Garoowe.
BOSASO ONLINE