Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee JFS oo maanta dhacaya

Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacaysa caasimadda dalka ee Muqdisho, iyadoo ay socoto qabanqaabaddii u dambeysay.

Wafuud caalami ah ayaa ka dalalka gobalka Geeska Africa, khaliijka iyo dalal kale, ayaa kusoo qulqulaya Muqdisho, kuwaas oo kamid martida lagu casuumay caleema-saarka Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS oo gaaray Muqdisho ayaa ka qeybgalin.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa kamid ah Wafuuda sare ee caleema-saarka ka qeybgali, waxaana ay ka degi doonaan saacadaha soo socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waddooyinka Muqdisho ayaa intooda badan maanta xiran, iyadoo lagu arkayo ciidammo fara-badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo sugaya Amniga. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday shacabka caasimadda inay muujiyaan dulqaad inta ay socoto munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha JFS.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS