2 Maarso, 2019 (Bosaso Online) – Cabdirashiid Cabdulaahi Warsame, ayaa loo magacaabay Madaxa Raadiyaha Dowladda Puntland, oo kamid ah Hay’adda Warbaahinta Dowladda.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Warbaahinta Dowladda Puntland, Jamaal Carab ayaa lagu sheegay in magacaabista Cabdirashiid Cabdulaahi ay ku timid xulasho la xiriirta aqoontiisa iyo waayihiisa saxaafadeed.
Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo maalmo kahor booqday xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland – ayaa dalbaday in degdeg loo howlgaliyo Idaacadda Dowladda, taas oo muhiim u ah bulshada Puntland, maadama ay u badan yihiin dad danyar ah oo aan awooddin in ay dhigtaan guryaha dhallooyinka laga daawado Telefishinnada.
Waa kuma Cabdirashiid Cabdulaahi Warsame?
Cabdirashiid Cabdulaahi Warsame, ayaa mihnada saxaafadda kusoo jiray 7 sano ee u dambeysay, waxaana uu soo noqday Madaxa Wararka Radio Shacab – Gaalkacyo, Tafaftiraha Idaacadda Codka Nabadda – Gaalkacyo, isagoo hadda ahaa Agaasimaha Radio Sahan ee magaaladda Garoowe. Sidoo kale, wuxuu Agaasime heer Puntland ah kasoo noqday Telefishinnada Star TV iyo Bulsho TV ee laga leeyahay deegaannada Somaliland.
Cabdirashiid Cabdulaahi oo ah aasaasaha Mareegta Bosaso Online (https://bosasoonline.com/) – ayaa si weyn loogu yaqaan qorista warbixinnada la xiriira siyaasadda iyo Ammaanka, iyo wariye sameeya baaritaano.
BOSASO ONLINEÂ