Qowmiyadda Soomaalidu waxay caan ku tahay oo lagu ammaanaa in ay yihiin ummad ay midayso Taariikh, Deegaan , Dhaqan ,Af iyo Diin waliba ah hal mad-hab oo Shaafici ah , waxaa sii dheer in ay yihiin Soomaalidu Ummad u badan xidid iyo xigto .
Waxaa lagu ammaanay in Soomaalidu ahayd qawmiyad dhaqankeedu ku dhisanyahay anshax iyo akhlaaq wanaagsan haddana marka dhinac kale laga fiirsho waxaa kuu soo baxaysa in dhaqankeenii hore ee ku dhisnaa wanaagga iyo cadaaladdaba uu waqtigan noqday mid meesha kasii baxaya .
Waxaa kuusoo baxaysa in Umaddeena waqtigan joogta ay yihiin kuwo ka fog cadaalad u sameynta marka uu yimaado khaladaad dhexdooda ah taas oo ah wax qofkastoo damiir leh taabanaya marka aysan cadaalad jirin.
Diinta İslaamka cadaaladdu waxay kaga jirtaa door aad muhiim u ah, waana mowduuc weyn oo xariir la leh dhinacyo badan sida bulshada, hogaanka iyo dhaqaalaha waxaana lagu sheegay Qur’aanka Kariimka iyo Sunnaha.
Nabigeenna Muxammad (NNKH) wuxuu yiri “ toddobada qof ee aakhira harka ilaaheey harsanaya waxaa kamid ah shakhsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay” Waxaa markaas muhiimadda xadiisku tahay in cadaalad darada laga fogaado.
Haddii aan usoo guda galo ujeedka qoraalkan ,iyo sababta igu dhalisay in aan qoro Maqaalkan ayaa ah qiso aad u foolxun oo laga naxo ,taasi oo qabsatay Gabadh Soomaaliyeed oo da’yar ah , iftiinna u ahayd bulshadeeda iyo Umadda Soomaaliyeedba .
Fa’izo Sh. Maxamed Sh. Cabdi Xayi waa gabadh Soomaaliyeed oo da’ahaan jirta 16 sano, oo kunooleyd waxna ka baran jirtay magaalada Garoowe oo caasumad u ah maamul goboleedka Puntland, waxayna la nooleyd adeerradeed sida uu iisheegay Aabbe Sh. Maxamed Sh. Cabdi Xayi oo ah Aabbaha dhalay Fa’izo , walow qoyskooda ay deegaan ahaan dagan yihiin magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer . Walaasheen Fa’izo waxay safar ku aadday magaalada Galkaio ee xarunta gobalka mudug,ee maamul goboleedka Puntland halkaas oo ay u aadday qaraabo salaan sida aan kasoo xigtay Aabbaheed Sh. Maxamed, laakiin Waxaa dhacday intii ay safarkeedii ku jirtay in dhib loo geystay, dhibkaasoo isugu jiray kufsi iyo dil isla gudaha magaalada Galkaio, waxaana ugeystay dhibkaas walaasheen Fa’izo askar ka tirsan Alshabaab, intaas waxaa sii dheer in aysan walaasheen cadaalad helin xaga xarakadii ay katirsanaayeen askarta dhibta geystay, iyo dhinaca maamulkii xilku ka saarnaa arrintan ee Aakhiro iyo Aduunba lagala xisaabtameyey ee Puntland , maadaama muumulku masuul kayahay dhibka dhacay bacdamaa ay dayaceen amaankii iyo xuquudii ay inantaas yartaa kulaheyd.
Faa’izo sidoo kale mahelin cadaalad xaga qoyskii dhalay nimankii dhibka ugeystay, madaama soomaalidu dhaqan uleedahay dhibka dhaca inay si qabiil ah uga wada xaalaan sida Aabe MaxamadSh.Cabdi Xayi uu iisheegay mar aan ku booqday İsbitaal kuyaala magaalada Muqdisho, oo uu kula tacaalayo xaalada Fa’izo.
Aabe Sh. Maxamed wuxuu ii xaqiijiyey in dhibkaan gabadhiisa ku dhacay mudo dhan saddex bil, laakiin aysan ilaa hada jirin cid kala xaajootay dhibkii loogaystay taasna waxay kutusinaysaah cadaalad darrada baahsan ee loo geystay Fa’izo iyo qoyskeeda.
Aabe Maxamed Sh. Cabdi Xayi wuxuu iisheegay inay Fa’izo gashay sagaal qalliin(9 qalniin), Saddex ay ku gashay Boosaaso, Saddex kalana loogu sameeyey magaalada Muqdisho iyo sadex ay ku gashay magaalada İstanbul oo intasba ay kaqeybqaateen walaalaha soomaaliyeed ee samaha jecel, ugu danbayntiina rajo wanag lagu guulaystay in xaaladeeda caafimaad wax laga qabto.
Aabe Maxamad wuxuu iisheegay in uu uga mahadcelinayo qofkastoo islaam ah oo gacan gagaystay kuna caawiyey inay meesha ay maantay joogto soogaarto walaasheen Fa’izo guud ahaan Soomaalida oo dhan gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Mogadisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo naxariis Soomaalinimo , Islaannimo iyo bini’aadannimaba u muujiyey madaama qoyskeeda uu yahay qoys danyar ah oo aan awoodin inay qarashaadkaas oo dhan baxiyaan.
Intii aan la joogay Isbitaalka Aabaha iyo hooyada dhashay Fa’izo waxaa ka muuqday indhahooda rajo aad uweyn oo ay kaqabaan caafimaadka walaasheen fa’izo maadaama ay kasooraynayso sidii hore.
Cadaalad darada Fa’izo lagu sameeyey waxaa dheer in uu jiray iskuday dad badani ka qeybqaateen oo la rabay in la fakiyo dhagar qabayaashii dhibka u geystay Fa’izo , dadaal kasta oo ay sameeyeen ehellada Fa’izo iyo xog kasta oo ay lawadaageen maamulka Puntland laguma guulaysan in maamulka Puntland ay sooqabtaan dadkii dhibkaas geystay.
Walow ehelada Fa’izo xariir lasameeyeen Dowlada dhexe ee Soomaaliya sida uu iisheegay Aabaha dhalay Fa’izo, hadana kumay guulaysan in ay Faa’izo cadaalad hesho.
Qisadaas aan soo weriyey ee qabsatay walaasheen Faa’izo waa mid sumcad xumo ku ah dhaqankeenna, sharafteenna iyo sidoo kale Soomalinimadeena iyo Islaamnimadeena.
Ma xay ku dhacday in gabadh maskiin ah uu ruux dambiile ah kufsi uu rabay darted uu u dilo , waliba uu xabbad kaga dhufto xubinta taranka oo ah arin kale oo aad looga sii naxo.
Dhib kastaba waa uu dhacaa, balse su’aashu waxa ay tahay ma qaadannay mas’uuliyadda dhibkaas, dadkii magaallada dhibkani ka dhacay dusha ma u riteen dhibka dhacay, maka jawaabeen , xaqqii gabadha ma siiyeen , ma daweeyeen gabadha?
Su’aalahaasi oo dhann Aabbaha gabadha ayaa ka jawaabay ayey ila tahay, waxaase daba taalla aaway dadkii khayrka jeclaa ,ee cullimada, aqoonyahanada, wax garadka bulshada iyo samafalayaasha isugu jiray ee Joogay Galkaio, wax kale ma awoodi waayeen xattaa in ay gabadhaas cadaallad ha joogtee ay caafimaadkeeda ka caawiyaan , isbitaal geeyaan oo la tacaalaan maadaama dhibku loogu gaystay magaalladoodii , !! nasiib xumo ma aysan samayn taas , wuxuu ilaahay qaddaray in Gudoomiye 700 oo Km meel ka fog ka arrimiya uu arintii gabadha u kacay oo uu caawiyey kharashkiina ka bixiyey!!
Ma waysan ceeb ku ahayn Galkaio iyo Puntlandba in caddaaladi haba joogtee in gabadhaasi caafimaad inaga heli wayday?!
Waxaa haboon in arintan si wanaagsan loo lafa guro , aan laga aamusin eeddeedana la qaato , qoraalkan ujeedkiisuna waxa uu ahaa in aan ummadda Soomaliyeed usoo bandhigo xaalladan foosha xun ee dhacday , gabadhaas walaasheena oo tacadiyadda foosha xun loogeystay aan ugu gargaaro waxa aan awoodo ,haba ugu yaraato in aan idinla wadaagay , qofkasta oo qoraalkan akhriyana uu mas’uuliyad iska saaro in uu gabadhaas xaqeeda u raadiyo .
Faa’izo caafimaad waa ay helaysaa oo hadda si wanaagsan ayay usoo raysanaysaa, balse Caafimaad aysan cadaalad la socon ,aysan garanayn sababtii loo dilay wax ay ku caafimaadayso ma ahan .!
Gebegebadii waxaan oran lahaa
“Faa’izo Eebbana Caafimaad bay ka bariday, annaga caddaaladba bay naga bariday”.
BOSASO ONLINE