Buskutka carruurta ee “Plumpy nut” oo laga xaday Wasaaradda Caafimaadka Puntland!

Boqolaal kartoon oo ay ku jiraan buskutka carruurta lagu nafaqeeyo ee loo yaqaan “Plumpy nut“, ayaa la layahay kaddib markii lagala baxay bakhaarada Keydka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Buskutkan ayaa la sheegay in la doonayay in loo qeybiyo ‘Isbitaalada Hooyada iyo Dhalaanka’, ee ku deegaannada Puntland, si loo gaar-siiyo carruurta kunool deegaanka, kuwaas oo wajahaya nafaqo daro ka dhalatay abaaraha jira.

Dhowaan ayay aheyd markii, Maxkamadda darajada kowaad ee gobalka Nugaal ay xukun xabsi ah ku riday saddex kamid ah Ciidanka ilaalada Wasaaradda Caafimaadka Puntland, kaddib markii lagu helay inay “xadeen, sidoo kalena iibsadeen boqolaal kartoon oo ah Plumpy nut. balse Raggan ayaa la sheegay in loo iibiyay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu riday.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa horey waxaa u dul hoggaanayay eedeymo la xariira in suuqyada Puntland lagu iibiyo daawooyinka ay Wasaaradda siiyaan Hay’adda caalamiga ah, sida WHO, kuwaas oo loogu talagalay in loo qeybiyo Isbitaalada hoostaga Wasaaradda ee loogu adeego bulshada.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay Hay’addaha samafalka ee ka howlgalla deegaannada Puntland, waxaana horey qaar kamid ah Hay’adduhu ugu eedeeyeen qaar kamid ah Wasaaradda Puntland in la musuqmaasuqo deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay in lagu kalmeeyo hannaanka waxbarashada, iyo caafimaadka Puntland.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS