Booliska Puntland oo beeniyay Afduub la sheegay in loo geystay ‘Khadar Caydiid’

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war kasoo saaray afduub la sheegay in lagula kacay Khadar Caydiid, kaas oo kunoolaa magaalada Boosaaso, balse qoyskiisu sheegeen in loo afduubtay caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood.

War kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in baaris ay sameeyeen ‘sirdoonka Puntland’, lagu ogaaday in uusan jirin wax afduub ah oo lagula kacay Khadar Caydiid, balse iskiis ah uu u tagay magaalada Laascaanood, uuna degay mid kamid ah Hoteelada magaalada.

“Khadar Caydiid oo maal mahan warkiisa la’la aa qoyskiisana ay sheegeen in lagu afduubay magaalada Bosaaso ayaa baaritaan ay sameeyeen sirdoonka Puntland ayaa lagu ogaaday in uu safar iskiisa ugu joogay magaalada laascaano,Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo gacan ka helaya ciidanka booliska Somaliland ayaa ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan isagoo dagan mid kamida hotelada magaaladaas kuyaala aysana Jirin cid afduubatay.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaa ‘Khadar Caydiid’, iyagoo u mahadceliyay Booliska Somaliland oo gacan ka siiyay qabashada ninkan.

“Taliska Ciidanka booliska DPL waxa uu u mahadcelinayaa dhigooda ciidanka booliska Somaliland oo gacan wayn ka siiyay qabashada khadar Caydiid.”.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS