Booliska Gaalkacyo oo war kasoo saaray weerarka hoyga Wasiir kuxigeenkii hore Amniga PL

Booliska degmada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa qoraal kasoo saaray weerar habeenimadii xalay lagu qaaday hoyga Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan. Booliska ayaa sheegay in weerarka oo ahaa bumbo-gacmeed lala beegsaday hoyga Wasiir kuxigeenkii hore, xilli uu ka maqnaa.

Sidoo kale, Booliska Gaalkacyo ayaa tilmaamay in uu dhaawac kasoo gaaray weerarka, Wiil kamid ah qoyska Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan, iyagoo intaa ku daray in ay ay wadaan baaritaan la xiriira soo qabashada kooxdii weerarka geysatay oo katirsan argagixisada Al-Shabaab.

“Ma jiro waxyeello kasoo gaartay Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Dowladda Puntland weerarkan fulaynimo, waxaana jira dhaawac fudud oo soo gaaray mid kamid ah ehellada Wasiirka, oo ku sugnaa daarada guriga xilliga weerarku dhacayay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Saldhigga dhexe ee Booliska degmada Gaalkacyo.

Booliska ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, si loo qabto dadka falalka ammaan darro ka geysta magaalada.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS