Madaxweynaha doorashada looga guuleystay ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed [Cirro], kaas oo kusoo baxay doorashadii ka dhacday deegaanada Somaliland 13 November.
“Umadda waxaan u ballanqaadaynaa, xisbiga KULMIYE inuu aqoonsan yahay oo aan hambalyeynayno Madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan, Qaranka waa wada dhisaynaa kaalinteenii hormuudka waa ka ahaanaynaa” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.
Somaliland ayaa 1991 ku dhawaaqday in ay go’day qeybaha kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse weli ma helin aqoonsi.
Biixi ayaa ugu baaqay dadka ka carooday guuldarada kasoo gaartay doorashada, in ay is dajiyaan, aqbalaana natiijada iyo guusha Cirro, si ay qeyb uga noqdaan ilaalinta iyo dhismaha Somaliland.
“Madaxweynaha la doortay ee xilka loo dhiibay, xil culus baa fuulay ee la shaqeeya dulqaad badan hala muujiyo, waxaan leeyahay Somaliland baa guuleysatay, waxaa noo ballan ah qaran dhiska Somaliland, aqoonsigeeda oo aan u wada guntano.”
Cabdiraxmaan Cirro oo noqonaya Madaxweynaha 6aad ee Somaliland ayaa ku guuleystay doorashada Somaliland, isagoo helay 63.92% codadka la dhiibtay, taas oo ka dhigan in uu helay aqlabiyada shacabka Somaliland.
Inkasta oo ay horyaalaan caqabado badan oo ka dhashay hab maamulkii Biixi ee 7 sano ee lasoo dhaafay iyo isbedelada coladeed ee ka socda dunida, haddana dadka yaqaan ayaa aaminsan in uu ka dabaalan doono in badan oo kamid ah duruufaha ku xeeran.
BOSASO ONLINE