Bangiga Hormarinta Africa oo 5.4 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) oo adeegsanaya, Sanduuqa Horumarinta Afrika, ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si loogu taageero gurmadka degdegga ah ee Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Bangiga Hormarinta Africa, Nnenna Nwabufo ayay ku sheegay in abaarta daba dheeraatay & colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya.

Nwabufo waxa uu sheegay in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta isla markaana si gaar ah loo geyn doono lix gobol oo kamid ah dalka.

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay sii, taasoo abuurtay xaalado nuglaansho joogto ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u saamaysay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada”.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS