Gaalkacyo (Bosaso Online) – Bam-gacmeed ayaa habeenimadii tallaadada lagu weeraray hoyga uu ka degan yahay magaaladda Gaalkacyo Cumar Cabdulaahi Cusmaan oo ah Wakiilka Hay’adda HALO Trust, oo ka shaqeysa in miinooyinka laga saaro dhulka colaadduhu ka jiraan.
Weerarka ayaa dhacay xilli ay guriga hurdeen Cumar Cabdulaahi iyo qoyskiisa. Mana jirto waxyeelo ka dhalatay bam-gacmeedkan, oo abuurray argagax.
Shaqaalaha ka howlgalla Hay’adda Amniga ee ka shaqeeya deegaannada collaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya ayaa inta badan la kulma weerrarada noocan ah.
Horey, kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa fuliyay weeraro lamid ah kan lagu beegsaday sarkaalkan u shaqeynaya Hay’adda HALO Trust, waxaana lagu khaarajiyay xubno ka howlgallayay hay’addaha amniga ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee jooga Soomaaliya.
Kooxaha argagixisada ah ayaa u yaqaan shaqaalaha ka howlgalla Hay’addaha caalamiga ah, ka shaqeeya arrimaha amniga iyo gargaarka Bani’aadamnimo, basaasiin u adeegga Hay’addaha sirdoonka ee gobalka iyo kuwa reer galbeedka.
BOSASO ONLINE