Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo axad ah yeeshaan kulan wadajir ah.
Kulanka ayaa looga hadli doonaa ‘Akhrinta kowaad Miisaaniyadda DFS ee sannadkan 2022’, sida lagu sheegay farriin qoraaleed loo diray Xildhibaanada labada Gole, oo laga codsaday inay soo xaadiraan.
Miisaaniyadda dalka ee 2022, oo uu BJFS u gudbiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle la sheegay inay gaarayso 918.7 milyan oo dollar, taas oo ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Dooda ay maanta ka yeelanayaan Xildhibaanada BJFS Miisaaniyadda dalka ayaa kusoo aadaysa xilli laga sugayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, kaas oo soo dhisi doona Xukuumad dalka kala wareegta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
BOSASO ONLINEÂ